Skip to main content
Logo: Oregon's Kitchen Table

Main navigation

  • About
    • Our Team
    • Our Friends & Partners
    • Our Values
    • Contact Us
    • Frequently Asked Questions
    • Join
  • Community Engagement
  • Hatfield Futures
    • Hatfield Futures 2023
    • Hatfield Futures 2024
    • Hatfield Futures 2025
  • Special Projects
    • Youth Voices on the Future of Wind
    • City of Portland PEP Talks
    • McKenzie Rebuilds
    • Oregon Citizens Assembly
    • Civic Crowdfunding
  • The Latest

Social Media Icons

  • Oregon's Kitchen Table on Facebook
  • Oregon's Kitchen Table on Instagram

Safe Medicine Return Community Engagement

Language switcher

  • English
  • Español
  • Русский
  • Soomaali
  • Tiếng Việt

Past Engagement

graphic illustration of various medication bottles and containers

September - November 2025

Tan iyo sanadkii 2021-ka, gobolka Oregon wuxuu lahaa barnaamij lagu xaqiijinayo in dadku ay helaan siyaabo ay si badbaado leh ugu tuuraan daawooyinka aysan hadda ka dib u baahnayn. Barnaamijkani waxaa loo yaqaan barnaamijka Soo celinta Daawada ee Badbaadada leh ee Oregon. MED-Project wuxuu si wadajir ah ula shaqeeyaa Waaxda Tayada Deegaanka ee Oregon si ay u maamusho barnaamijkan. Waxaa jira siyaabo badan oo dadku si badbaado leh ugu tuuraan daawooyinkooda. Dadku:

  • Waxay daawooyinka ku dhaafi karaan sanduuqyada wax lagu dhaafo ee degaanka, sida farmashiye ama saldhig boolis.
  • Waxay xirmada boostada lagu soo celiyo oo leh cinwaan iyo shaabad ka soo qaadan karaan meelo gaar ah.
  • Waxay xirmada boostada lagu soo celiyo ka codsan karaan dhanka internet-ka ee medtakebackoregon.org ama iyada oo la adeegsanayo xarunta wicitaan. Dadku waxay tani ku sameyn karaan luqaddo badan.

Markii uu barnaamijkani bilaabmay sanadkii 2021-ka, Oregon’s Kitchen Table waxay la shaqeysay MED-Project si wax looga maqlo dadka ku nool Oregon. Waxaan weydiinay waxa uu yahay habka ugu fudud ee si badbaado leh oo sugan loogu keeni karo daawooyinka aysan dadku hadda ka dib baahnayn. MED-Project wuxuu adeegsaday talooyinkii dadka si loo dejiyo barnaamijka si uu ugu shaqeeyo bulshooyinka guud ahaan Oregon. 

Waxyaabo badan ayaa is beddelay tan iyo sanadkii 2021-ka. Markaa, MED-Project wuxuu mar kale iskaashi la yeeshay OKT dayrtii sanadka 2025-ka. OKT iyo MED-Project waxay rabeen in ay wax ka maqlaan dadka ku nool Oregon ee ku saabsan sida uu shaqeynayay barnaamijka Soo celinta Daawada ee Badbaadada leh. Waxaan sidoo kale rabnay in aan dhageysano fikradaha dadka ee ku saabsan waxa dadka ka caawin kara in ay wax ka ogaadaan oo istimaalaan barnaamijka. Waxa dadku wadaageen waxay MED-Project ka caawin doontaa in uu wanaajiyo barnaamijka Soo celinta Daawada ee Badbaadada leh ee ka jira Oregon. 

OKT waxay u isticmaashay wada hadalada iyo ra’yi ururinta si ay wax uga maqasho dadka. Guudmarkani wuxuu sheegayaa waxa ay OKT maqashay.

soo koobid

Language switcher (lower)

  • English
  • Español
  • Русский
  • Soomaali
  • Tiếng Việt

Oregon's Kitchen Table logo

Oregon's Kitchen Table

Contact Information

503-725-5248  |  info@oregonskitchentable.org

Footer social media icons

  • Oregon's Kitchen Table on Facebook
  • Oregon's Kitchen Table on Instagram

Partner organization logos

National Policy Consensus Center
Portland State University

Privacy and copyright

Privacy Policy  |  © 2024 Oregon Kitchen Table. All Rights Reserved.